Since 1960 – article: mudane siilaanyo iyo c/laahi yuusuf maxay iskaga mid yihiin?

ARTICLE: Mudane Siilaanyo iyo C/laahi Yuusuf Maxay Iskaga Mid Yihiin?

Tuesday, 08 April 2008

GudSample Imageoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah  ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ,  waa gudoomiye xisbi , isla markaana  in muddo ah ku soo jiray Masraxa siyaasdada, balse u muuqda qof imika ay ugu horeyso siyaasadu marka la eego hadalada uu ku hadlo mar kata oo uu saxaafada la hadlayo.

Marka aynu  eegno  hadalkii ugu dambeeyay  ee ka soo yeedhay  Mr Siilaanyo   waxa ka mid ahaa ‘’Madaxweynuhu waa in u alaabtiisa ka kala soo baxo  maalinta  ay kaga eegtahay mudada xilka  uu hayo , haddii uu doorashada qaban waayo , maadaama uu ka war wareegayo inuu  qabto  doorasho’’ ayuu yidhi Mudane Siilaanyo.

Haddaba bal hadalka u fiirso  ma wuxuu u eeg yahay hadal qof masuul ah ku hadlo , oo waliba ah hogaamiye Xisbi?, Jawaabtu runtii waa Maya.

Hogaamiye xisbi Mucaarid ah  maaha micnihiisu in uu horumarka  dalka  ka  soo hor jeesto , balse waxa looga baahan yahay in xukuumada markaa talada haysa uu toosiyo , isla markaana wax qabadka  ay ku talaabsanayso ay ku hambalyayso , balse  Mudane Siilaanyo  iyo xisbiga uu hogaamiyo lama  odhan karo  waa xisbi Mucaarid ah ee waxa uu u muuqdaa mid ka soo hor jeeda horumarka uu dalku gaadhay  iyo Nabad gelyada  uu dalku  haysto , isaga oo ka duulaya ‘’haddii aan anigu xilka hayn waxaan ka soo hor jeedsanayaa Horumarka iyo Nabad gelyada’’, taasi  waxa kuu cadaynaysa sida uu u caadaystay  Mudane Siilaanyo iyo  Xisbiga  uu hogaamiyo  sida ay mar waliba  hadalada hagar daamada ah ugu hadlayaan , iyaga oo  mar kasta  ku tala jira sidii ay  Somaliland ay u noqon lahayd  fadhiid , taasi waxa cadaynaysaa maalintii ay timid kaaliyaha  xoghayaha  Arrimaha dibada  Maraykanka Jendayi Frazer  markii  ay booqashada ku timid   caasimada dalka ,  taasi  oo  ahayd guul u soo hoyatay Somaliland  ayaa markii  ay la kulmeen  Siilaanyo   iyo xisbiga  uu hogaamiyo  waxa  ay ku yidhaahdeen hadalo aan loo baahnayn oo ka fog  qaddiyada Somaliland , balse  Jendayi Frazer ay ugu jawaabtay waxaad sheegaysaan waa arrin gudihiina ah ee waxa taa ka horeysa sidii aad u heli lahaydeen aqoonsi  caalamiya ee taasi  ha inoo dambayso.

Bal hadaladaa  u fiirsada ma waxa ay u eeg yihiin hadalo u soo bandhigo  hogaamiye xisbi , iyadoo uu hadaladaa ku leeyahay isla  dadkii aynu aqoonsiga ka sugaynay in ay inaga  caawiyaan , loona baahan yahay in la soo hor dhigo wax  qabsiga  ay Somaliland ku tallaabsatay  ee aan ka jirin wadamo badan oo Afrika ah.

marka laga hadlayo xisbi Mucaarid  ah   maaha in uu had iyo jeer  ku hadaaqo  hadalada deeq qaadka ku ah  karaamada uu dalkiisu  leeyahay iyo dadkiisa, isla markaana   waxa looga baahan yahay in uu xukuumada talada  haysa kala shaqeeyo  horumarka ay wado  kana  ilaaliyo wixii khaladaad  ay gasho , balse  Mr Siilaanyo  iyo xisbiga uu hogaamiyo marka  aad eegto   hadalada ay ku hadlayaan waxba  ma dhaamaan   Cabdillaahi Yuusuf   iyo kooxdiisa Imbegati ee   ka soo hor jeeda jiritaanka Somaliland, waayo  marka aynu  eegno  waxyaabaha ay iskaga midka yihiin waxa ka mid ah  in marna Somaliland  wax aqoonsi ah helin , Beesha  caalamkana  u gudbiyo  waxyaabo  lidi  ku ah  qaranimada Somaliland ku tallaabsatay.

si kastaba ha ahaatee ,   waxa ay ilawsan yihiin in shacbi weynaha reer Somaliland  uu waayo arag u yahay  waxyaabaha  ay xisbiga KULMIYE  uu hogaankiisu ku kacayo   mar kasta  ee ka soo hor jeeda  qaddiyada Somaliland  oo ay og yihiin  hourmarka iyo Nabad gelyada  uu dalkani  gaadhay , isla markaana  aanay  waxba yeeli Karin Nabad gelyada iyo dimuqraadiyada  ay Somaliland gaadhay.

Waxa kale  oo uu moog yahay  hogaanka xisbiga KULMIYE  in uu dalku leeyahay dastuur iyo  nidaam dawladeed , isla markaana shacbigu  ay u doorteen cidii hogaamin lahayd , taasi  oo  ay u doorteen Daahir Rayaale Kaahin  si uu u hogaamiyo ,  isla markaana dalka aqoonsi caalamiya uu u keeno , taasina  marka aynu eegno  waxa uu ka gaadhay horumar la taaban karo  oo ididiilo  wanaagsan leh.

Waxa xusid mudan  cadayna u ah safarkii ugu dambeeyay  ee uu Madaxweyne Rayaale iyo wefdigiisii  ay ku tageen dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka  , kaasi  oo uu ka soo hooyay guulo  wax ku ool ah ,  waxana safarkaasi jawaabteedu noqotay  in wufuud caalamiya  ay iska daba yimaadaan si ay indhoohda wax ugu arkaan  horumarka iyo dimuqraadiyada  ay ku tallaabsaay xukuumada Somaliland.

Haddaba , tii oo la wada ogyahay waxyaabaha uu Madaxweynuhu u qabtay  dalka Somaliland ,  higaamiyaha Xisbiga KULMIYE Siilaanyo  hadalka  ka soo yeedhay Maaha mid la odhan karo waxa ku hadlay  Hogaamiye  xisbi ee waxa  uu hadalkaasi  u muuqdaa mid  qof aan kala garanayn hadal  masuul sare  ku riyaaqo.

By: Ciise Ismaaciil Axmed

Email:
This email address is being protected from spam bots, you need Javascript enabled to view it

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *